Uganda ayaa si rasmi ah u bilowday inay ciidamadeeda Soomaaliya kala baxdo 20 Sanno kadib.

Uganda ayaa si rasmi ah u bilowday inay ciidamadeeda Soomaaliya kala baxdo 20 Sanno kadib.

Uganda ayaa si tartiib tartiib ah ufulineysa Qorshaha ka bixitaanka Soomaaliya.

109 kii Askari ee ugu horeeyay ayaa jimcahii lasoo dhaafay kabaxay Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba ayaa bartiisa X kuqoray sidan.

“Sidii aan ballanqaadnay, waxaan bilownay inaan ciidamadeenna UPDF kala baxno Soomaaliya. Kaddib 20 sano oo dhiig daatay iyo naf-hurnimo ah, waxaan mas’uuliyadda amniga ku wareejinaynaa walaalaheenna Soomaaliyeed.”

Uganda ayaa ahayd dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee ciidamo u soo dira Soomaaliya.

Uganda gebi ahaanba kama aysan joojin hawlgalkeeda milatari ee Soomaaliya. Ciidamada hadda baxaya ayaa qayb ka ah dhimista tirada askarta Uganda ee dalka ku sugan, taas oo lagu fulinayo heshiis milatari oo gaar ah oo dhexmaray Kampala iyo Muqdisho

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com