Kulankan oo uu furay Wasiirka Xafiiska Warfaafinta DDS, Mudane Dr. Cabdi Ra’uuf, ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta xidhiidhka, iskaashiga iyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa Xafiiska Warfaafinta & warbaahinada kala duwan
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray qoddobada ay kamidka yihiin
1. In warbaahinada loo fududeeyo wadashaqaynta & helitaanka xogaha iyo wararka rasmiga ah ee dowladda, si ay bulshada u gaadhsiiyaan xog sax ah
2. In la helo hannaan xidhiidh joogta ah oo u dhexeeya Xafiiska Warfaafinta iyo bahda wariyayaasha, si loo xalliyo caqabadaha ka dhasha wada-shaqayn la’aanta.
Kulankan ayay labada dhinac si toos ah uga wada hadlaan caqabadaha jira, isla markaana la soo bandhigay talooyin iyo aragtiyo lagu xalin karo mustaqbalkana laguwada shaqeeyo.
> Daljir Media


COMMENTS