Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya oo Xilka La Wareegay (DHEGAYSO)

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya oo Xilka La Wareegay (DHEGAYSO)

Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhacday Munaasabad ay xilalka ku kala wareegayeen taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Bashiir Goobe iyo Taliyaha cusub Xuseen Xasan Cismaan.

Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa sheegay mudadii uu xilka hayay in ay wax ku soo kordhiyay Ciidanka Alsuubta, isaga oo tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu xilka wareejiyo.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Xuseen Xasan Cismaan horeyna u soo qabtay xilkan ayaa sheegay in ay halkan ka sii wadi doonaan shaqada, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan Dowladnimada.

DHEGEYSO

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com