Madaxweyne Donald Trump Oo Meesha Ka Saaray Sharciyo Uu Ansixiyey Obama.

Madaxweyne Donald Trump Oo Meesha Ka Saaray Sharciyo Uu Ansixiyey Obama.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa saxeexay qaraar madaxweyne oo meesha ka saaraya sharciyadii la meel mariyey xilligii Obama talada hayey ee loogu talo galay in wax lagaga qabto is bedelka cimilada.

Madaxweynuhu wuxu yidhi qaraarkani wuxu soo af-jari doonaa “is mari waagii ka taagnaa dhuxul dhagaxda” iyo “xeerarkii dadka shaqo tiray”.

Qaraarkan madaxweyne ee ku saabsan madaxbanaanida tamartu wuxu meesha ka saarayaa dhawr xeer oo uu ninkii xilka uga horeeyey meel mariyey, waxaanu sahlayaa in dalka laga qodo shidaal iyo dhuxul dhagax.

Shirkadaha ganacsiga ayaa talaabadan ku amaanay maamulka Trump, laakiin dadka u ololeeya deegaanka yaa iyagu dhaleeceeyey.

Aqalka Cad hortiisa ayaa dhawr boqol oo qof oo mudaharaadayaa iskugu soo baxeen si ay u muujiyaan in aanay la dhacsanayn qaraarkan madaxweynuhu saxeexay.

XIGASHO-BBC

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com