Weriye C/llaahi Cumar Geeddi oo caawa lagu diley magaalada Galkacyo.

Galkacyo, Aug 31 – Alle ha u naxariistee waxaa fiidnimadii caawa lagu diley magaalada Galkacyo weriye C/llaahi Cumar Geeddi oo ka mid ahaa suxufiyiinta iyo farsamo-yaqaanada idaacadda Daljir, xarunta ay ku leedahay magaaladda Galkacyo.

Weriye C/llahi ayaa waxaa dilka u geystey koox ku hubaysan toorayo; marxuumka ayaa u dhintay dhiigbax dhaawacyadii toorayaha ee soo gaaray.

Lama oga cidda ay ahaayeen gacan-ku-dhiiglayaasha gaystay fal dambiyeedka.

Lama oga waxa uu eersaday marxuumku ee sababay dilkiisa aan ka ahayn mihnadiisa shaqo.

Weriye C/llahi ayaa maydkiisa la geeyey cisbitaalka guud ee magaaladda Galkacyo.

Dhamaan bahweynta idaacada Daljir waxaa ay tacsi u dirayaan ehelada iyo asxaabta marxuum C/llaahi Cumar Geeddi, una rajaynayaan sabri; waxaana ay Eebe uga baryayaan marxuumka naxariis.

Innaa Lillaahi Waa Innaa Illeyhi Raajicuun.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com