Hargeysa, jan 15 – Wareegto ka soo baxday madaxtooyada Somaliland ayaa lagu magacaabay 2 wasiir, halka 2 wasiirna xilalkii laga qaaday, 2 kalena laga badelay xilalkii ay hayeen.
Wareegtada ayaa u dhignayd sidan:
Madaweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siilaanyo’
– Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
– Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda wayn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,
– Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan,
– Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,
– Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.
Wuxuu go?aansaday in:
1. Axmed Cabdi Xaabsade, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Warfaafinta & Wacyigelinta ee JSL,
2. Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Deegaanka & Horumarinta Reer Miyiga ee JSL.
3. Dr. Axmed Xaashi Oday, oo hore u ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Deegaanka & horu-marinta Reer Miyiga laga Bilaabo Maanta uu ahaado Wasiirka Boosaha & Isgaadhsiinta ee JSL,
4. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), oo hore u ahaa Wasiirka Warfaafinta & Wacyigelinta laga bilaabo maanta uu ahaado Wasiirka Kalluumaysiga & Khayraadka Badda ee JSL.
Waxaa xilalka wasiirnimo laga qaaday:
1. Wasiirkii Kalluumaysiga & Khayraadka Badda, Dr. Maxamed Yaasiin Xasan, iyo
2. Wasiirkii Boosaha & Isgaadhsiinta, C/risaaq Ibraahim Maxamed.
Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.
COMMENTS