Mudaaharaad looga soo horjeedo colaadda gobolka Cayn oo ka dhacay Badhan & Hadaaftimo, Sanaag.

Badhan, Feb 24 – Mudaaharaad lagu dhalleeceeyey maamulka Somaliland, loogana soo horjeedo colaadda gobolka Cayn ayaa ka dhacay magaalooyinka Badhan & Hadaaftimo ee gobolka Sanaag.

“Siilaanyo maxaad tidhaahdeen? Ha dhaco.” ayaa ka mid ahaa hadalada dadka mudaaharaaday ay ku dhawaaqayeen.

Maxamuud Siciid Dabayl, guddoomiyaha gobolka Sanaag oo aan ka waraysanay mudaaharaadka ayaa sheegay in shacabka gobolku aanay raali ka ahayn colaadda

Md. Dabayl ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu daandaansi iyo dhulbalaarsi isiraysan ka wado gobolka Cayn.

Qaar ka mid ah shacabka banaanbaxayey ayaa sheegay in diyaar la wadaagayaan shacabka gobolka Cayn gulufka colaadeed ee uu wado maamulka M/weyne Siilaanyo.

Mudaaharaadyo la mid ah kuwan ayaa ka socda magaalooyinka kale ee gobollada Puntland sida Bossaso, Garowe & Galkacyo.

Bishii Nofembar ee sannadkii 2010 ayaa waxaa ka bilawday dagaal khasaare xoogan gaystay balliga Kalshaale, kuna fiday Hagoogane & Maygaagle oo ka wada tirsan gobolka Cayn.

C/khadar M. Warsame,
Daljir, Bossaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com