Maanta oo ah 12-ka Oktoober ayaa ku beegan sannad guuraddii 63aad ee helida Astaanta ama Calanka Qaranka Soomaaliyeed. Maalintan ayeysan qiimaheeda dad badan oo Soomaali ah aysan la socon, taasi oo ay sabab u tahay sida ay u wiiqantay Wadanimadii Soomaaliyeed.
Calanka Qaranka Soomaaliyeed oo maanta 63 sano jirsaday, wuxuu ku yimid halgan adag oo loo soo galay, halgankaa soo ay hogaanka u hayeen dhallinyaraddii Soomaaliyeed xisbigii SYL, kuwaasi oo ka soo horjeeday ama diidanaa gumeysiga iyo gumeysi kalkaalayaasha.
Wariyaheenna Magaalada Garoowe Axmed Sheekeeye ayaa warbixintaan ka diyaariyay xuska maalinta calanka Soomaaliyeed .
COMMENTS