Farmaajo oo Hambalyo u diray Madaxweynaha Kenya

Farmaajo oo Hambalyo u diray Madaxweynaha Kenya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hamabalyo u diray dhiggiisa Dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo ku guuleystay doorashada ku celiska ahayd ee dalkaas ka dhacday 26kii Bishan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal la soo dhigay Twitter-ka Madaxtooyada ku sheegay in Uhuru Kenyatta uu uga hambalyeynayo guusha uu ka gaaray doorashada waxaana uu u rajeeyay in uu sii socdo Xiriirka labada dal ka dhaxeeya.

Twitter-ka Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu yiri “Aniga oo ka wakiil ah shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaan kaaga hambaleynayaa guusha aad ka gaartay doorashadii ka dhacday 26kii Bishan Dalka Kenya”.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com