Saraakisha kenya oo ku eedeyeey Alshabaab Afduubashada Shacab iyo Gawaaridoodi

Saraakisha kenya oo ku eedeyeey Alshabaab Afduubashada Shacab iyo Gawaaridoodi

Saraakiisha amaanka ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in labo qof la dhaacay mid kalena la qafaashay iyada oo sidoo kalena labo gaari la ka xeystay kaddib labo weerar oo ka dhacay Sohdinta Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiyaha Mandheera Fredrick Shisia,ayaa sheegay in Gaari nooca Toyota Hilux, ah laga qafaashay inta u dhaxeysa degaannada Fiino iyo Sheekh Barrow,iyada oo dhinaca Soomaaliya lala aaday.

Wadaha Gaarigaas ayuu sheegay in uu la hadlay Xaaskiisa,una sheegay in uu ku suganyahay meel ka mid ah Soomaaliya islamarkaana uu badqabo.

Weerarkaas waxaa uu dhacay Isniintii gelinkii dambe,Gaariga ayaa ka soo baxay Degaanka Mandera, waxaana uu ku sii jeedau degaanka Lafeey.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com