Xildhibaano Katirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo Mooshin ka Gudbiyeey Shariif Xasan

Xildhibaano Katirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo Mooshin ka Gudbiyeey Shariif Xasan

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahiyaan Mooshinka ay ka wadaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo xaalada ammaan ee degaanada Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in ay yihiin isbedel doon, Mooshinka ay ka wadaana Shariif Xasan in ay saxiixeen 91 xildhibaan, iyaga oo tilmaamay maalmo kadib Shariifn Xasan inuu ka mid noqonayo shacabka, oo ay ula jeedaan in ay hoggaanka ka tuuri doonaan.

Waxay kaloo sheegeen in ay gabeen shaqadooda, kadibna waxay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ugu baaqeen inuu xilka isaga dego inta aanan Mooshin xilka looga qaadin.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com