?Berri ama saad-dambe ayey ciidamada dawladdu galayaa suuqa Bakaaraha ee Muqdisho? Abti-doon, Wasiiru dawlaha Gaashaandhigga .

Muqdisho, May, 23 – Wasiiru dawlaha gaashaan dhigga ee dawladda federalka Cabdi Maxamed Abti doon ayaa waraysi uu galabta (Isniin) siiyey idaacadda Daljir ku sheegay in ciidamada dawladdu ay galayaan suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho labada maalmood ee soo socda.

Abti-doon ayaa sheegay in ciidanka dawladdu ay afar jiho ka fadhiyaan suuqaasi ayna si buuxda gacanta ugu hayaan goobihii muhiimka ahaa ay shalay qabsadeen sida wadada Wadnaha oo ah halbawle istiraatiji ah, ayna taasi sahlayso inay suuqa Bakaaraha si buuxda ula wareegaan.

Isagoo ka hadlayey badbaadinta hantida dadweynaha ee ceegaagta suuqaasi ayuu sheegay inay xil weyn arrintaasi iska saarayaan oo ay sharciga horkeenayaan askarigii isku daya inuu boobo hantida dadka, waxaana uu hadalkiisa ku soo beegay labo maalin ka dib markii afhayeenka Al-shabaab Sh. Cali dheere uu sheegay in ajandaha ugu weyn ee duullaanka dawladdu uu yahay sidii loo dhici lahaa hantida dad weynaha.

Dagaalka maanta oo galay maalintii sadexaad walina si goos goos ah u socda waxaa ku dhintay in ka badan 10 qof waxaana ku dhaawacmay sodomeeyo kale.

Axmed Sh. Max?ed ?Tallman?
Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com