Madaxwayne Farmaajo oo dhaliilay dadka dowladda mucaaradsan

Madaxwayne Farmaajo oo dhaliilay dadka dowladda mucaaradsan

Madaxwaynaha dowladda faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku eedeeyey siyaasiyiinta mucaaradsan xukuumaddiisa kuwa tafaha doonaya inay qabtaan dowladnimada.

Waxaa uu sheegay dad hadda mucaarad ku ah xukuumadda inay horay ula soo xiriireen gaar ahaana xiligii la doortay madaxwaynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ay usoo jeediyeen inuu ka horyimaado, arrinkaasi oo uu sheegay inuu ka diiday.

“Dad hadda mucaaradsan xukuumadda waxa ay ila soo xiriireen iyadoo dowladdii Xasan Sheekh ay jirtay wax ka yar lix bilood oo ay i yiraahdeen aan mucaaradno, kuwaasi waxaana u sheegay inaan la mucaaradi karin dowlad jirtay waqti yar” ayuu yiri madaxwayne Farmaajo.

Waxaa uu qiray in wax la khaldi karo loona baahanyahay in lasaxo ,balse ay haboontahay waqtigeeda in lala sugo sida sanad iyo ka badan.

Hadalka madaxwaynaha dowladda faderaalka ayaa kusoo beegmaya xilli siyaasiyiin ku sugan gobolada dalka iyo dibadda ay mucaaradsanyihiin siyaasadda xukuumadda uu hogaamiyo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com