Badhan, June 03 – Taliyaha ciidanka bilayska ee qaybta gobolka Sanaag Gaashaanle Cawil C/raxmaan Guuleed ayaa dhaliilay tayada iyo tirrada ciidanka daraawiishta iyo kuwa booliska ee gobolka Sanaag.
Ciidanka ayaa in dhawaale ku jiray heegan buuxa, isla markaana fuliyey hawl-galo balaaran oo ku aadan ururinta canshuuraadka gobolka iyo adkaynta amniga gobolka Sanaag.
Gaashaanle Cawil oo u waramay idaacada Daljir ayaa sidoo kale ka hadley hawl-galo baaxad leh oo shaley ilaa maanta ay sameeyeen ciidanka ammaanka gobolku, kuwaasoo salka ku haya rabshado iyo iska-horimaadyo u dhaxeeya qaar ka mid ah dadka ku nool xaafadaha magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.
Gaashaanle Cawil waxaa kale oo uu sheegay in ay saldhiga dhexe ee Badhan xiligaan ay ku xireen dad kor u dhaafaya 46 qof oo uu sheegey in barri la soo taagi doono maxkamad si loo xukumo.
Taliye Cawil ayaa maamulka Puntland ugu baaqeyn in ay il gaar ah ku eegaan xaalada gobolka Sanaag, waxaana sidoo kale uu sheegey in shirka barrito ka furmi doona xarunta gobolka looga hadli doono arimo ay ka mid tahay xaalada ammaan ee gobolka Sanaag.
Maxamed C/laahi Cali “Kooshin”
Daljir Garowe.
COMMENTS