Faysal Rooble: Qalbidhagax iyo Go’aanka Baarlamaanka iyo Waliba Gaas iyo P&O Ports (dhegayso)

Faysal Rooble: Qalbidhagax iyo Go’aanka Baarlamaanka iyo Waliba Gaas iyo P&O Ports (dhegayso)

Qoraa sare Faysal Rooble oo waraysi gaar ah siiyey Radio Daljir ayaan waxaan ka waraysanay ammuuraha Qalbidhagax, go’aanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo qaladaadka ay DFS iyo Xukuumaddu ay ka gashay Qalbidhagax. Faysal ayaa tilmaamaya in uu jiray fashilin dowladda dhexdeeda ah, ha ahaato saraakiil ku xiran al-Shabaab ama kuwo raba in dowladdu ay fashilanto.

Dhanka kale Faysal Rooble ayaa falaanqaynaya heshiiska Puntland iyo Dowladda Dubai iyo shirkadeeda dowliga ah ee P&O Ports ee la wareegtay maamulka dekedda Bossaso. Faysal waxa uu naqdinayaa sida loo maamulay heshiiska iyo kaqaybgelin la’aanta ganacsatada, Isimada iyo nin-doorka Puntland oo aan wax door ah ku yeelan heshiiska Dekedda Bossaso iyo Dowladda Dubai.

Hoos ka dhegayso

Qoraalka Faysal Rooble oo afka Ingiriiska ku qoran faallaynaya heshiiska Dowladda Dubai iyo PO Ports hoos arag.

THE FLOUNDERING PRESIDENCY OF DR. ABDIWELI GAAS: PART II

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com