Madaxwayne Farmaajo oo u ambabaxay wadanka Imaaraatka

Madaxwayne Farmaajo oo u ambabaxay wadanka Imaaraatka

Madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa safar ugu ambabaxay magaalada Abu Dubai ee wadanka Isutagga Imaaraatka Carabta.

Warar laga helayo madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya safarkan inuu ka gedisanyahay socdaalkii hore ee madaxwaynaha ee uu ku tagay wadanka Imaaraatka bishii Febraayo ee looga hadlayay arimaha saldhiga Berbera iyo maalgashiga dekedaha Soomaaliya.

Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa ku warantay madaxwaynaha socdaalkiisa inuu la xiriiro casuumaad uu ka helay madaxda dowladda Imaaraatka Carabta, waxaana ay ka wada hadlaayaan sidii loo tixgelin lahaa kaalinta dhexdhexaadnimo ee dowladda ee arimaha khilaafka Khaliijka, fududaynta fiisasyaasha socdaalka ee labada dhinac iyo taageeridda dagaalka dowladda ay kula jirto Al-shabaab sidii ay dowladda Imaaraatka Carabta ay ugu taageeri lahayd.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com