Madaxweyne Farmaajo oo Galabta u dhoofay Dalka Kenya

Madaxweyne Farmaajo oo Galabta u dhoofay Dalka Kenya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta u dhoofay dalka kenya,kadib Casumaad uu ka helay dhigiisa dalka kenya Uhuru Kenyatta.

Farmaajo ayaa maalinta berri oo Talaado ah dalka Kenya kaga qeyb gelaya Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo mar kale ku guuleystay Doorashadii dhawaan ka dhacday dalkaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid noqonaya 11 hoggaamiye oo la xaqiijiyay in ay ka qeyb galayaan xafladda Caleema saarka Uhuru Kenyatta, kuwaasi oo ka socda wadamada caalamka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com