Muqdisho lagu qabtay Maanta Banaanbax looga so horjeedo Aqoonsigii Trump ee Qudus u aqoonsaday Casimadda Yuhuda

Muqdisho lagu qabtay Maanta Banaanbax looga so horjeedo Aqoonsigii Trump ee Qudus u aqoonsaday Casimadda Yuhuda

Boqalaal dadweyne ah ayaa salaadi jimcaha ee maanta kadib isugu soo baxay wadooyinka faras magaala ah ee caasimada Muqdisho,kuwaas oo ku dhawaqayeey erayo kadhan ah Madaxweyne Trump oo isagu shalay Caasimadda Barakaysan ee QUDUS u aqoonsaday Caasimadda yuhuuda.

Banaanbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku qorneyd Erayo ka dhan ah Dowladda Maraykanka iyo Maamulka Yahuudda ah ee Israel, waxay sidoo kale ku dhawaaqayeen hal ku dhag muujinaya qiimaha ay Muslimiinta u leedahay Qudus.

Dunida Muslimka ayay ugu baaqayn Banaanbaxayaasha in ay loo midoob Difaaca Qudus, hadii aan la iska kaashana ay noqon doonto dhabar jab xoog leh oo soo wajaho Muslimiinta Caalamka.

Shiikh Cabdi Xayi oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed sidoo kale ka mid ahaa Culimadii la hadashay Banaanbaxayaasha ayaa ka hadlay Arinta Qudus, waxa uu sheegay in Qudus oo Israel Caasimadda u noqoto ay tahay dhamaadka Muslimiinta, qof kasta oo Muslim ah ayuu sheegay in ay waajib ku tahay Difaaca Masaajidka Al-Aqsa iyo Qudus.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com