Waxaa maanta oo Sabti ah lagu wadaa in sirasmi ah loo soo xiro kalfadhigii labaad ee baarlamaanka Soomaaliya, kalfadhigan ayaa waxaa soo xiraya madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Baarlamaanka ayaa geli doona fasax muddo laba bilood ah, iyagoona dib ugu laabanaya deegaamadii markii hore laga soo doortay.
Golaha baarlamaanka ayaa kahor inta aan lasoo xirin kalfadhigooda waxaa ay warbixin ka dhagaysan doonaan guddiga dastuurka ee dalka.
COMMENTS