Madaxwayne Farmaajo: “Majiro askari xun ee waxaa jira sarkaal xun” (dhegayso)

Madaxwayne Farmaajo: “Majiro askari xun ee waxaa jira sarkaal xun” (dhegayso)

Madaxwaynaha dowladda faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo khudbad u jeediyay boqolaal ciidan oo lagu tababaray saldhiga Turkiga ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo baahanyahay ciidamadu inay ka fogaadaan qabyaaladda oo ah waxa dalka dib u dhigay.

Madaxwaynaha ayaa sheegay inuu jirin qof qabiil xil u haya, qof walba oo xil haya markii loo dhaariyay uu ka fogaaday qabiilka, ayana ahayn wax la isku dhex wadi karo.

Madaxwaynaha ayaa xusay inuu jirin askari xun, balse uu jiro taliye xun, maadaama uu samaynayo waxa uu ku dhaqmayo taliyihiisa.

Hoos kadhegayso

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta dhismaha ciidamo qaran oo ay Soomaaliya yeelato, si dalka uu uga baxo marxaladda fowdada iyo qabyaaladda ku salaysnaa ee dhowr iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafay dalka kajiray.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com