Hay’adda UNHCR oo sheegtay in somaali Badan dalkooda ku laabteen

Hay’adda UNHCR oo sheegtay in somaali Badan dalkooda ku laabteen

ay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa shaacisay tirada Dadka Soomaalida ah ee ka laabtay Dhadhaab kuna laabtay Magaalooyinka Soomaaliya.

UNHCR waxaa ay sheegtay in Heshiiskii 10kii November 2013 ee Dowladda Federaalka Soomaaliya,Dowladda Kenya iyo UNHCR ee dib u celinta dadka ku jira Dhadhaab ay dad badan ka faa’ideysteen.

Denis Alma Kuindje, oo ah isku xiraha Badqabka ee UNHCR ayaa sheegay in sidoo kale ay rajeynayaan in Sanadka cusub ee 2018-ka ay Soomaaliya ku laaban doonaan dad ka badan 17,000 oo Qof kuwaas oo si iskood ah isu diiwaangeliyay.

Hadda ayuu sheegay in warbixintoodii ugu dambeeysay ee 15kii December 2017 ay muujineyso in ay Soomaaliya ku laabteen 72,362 oo qof,kuwaas oo kala tagay Magaalooyinka Muqdisho,Kismaayo, Baydhaba iyo Magaalooyinka kale ee ay dadka dalbadaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com