Sawiro: Soo dhowaynta wafdiga madaxwaynaha Soomaaliya ee Gaalkacyo

Sawiro: Soo dhowaynta wafdiga madaxwaynaha Soomaaliya ee Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa kasocda soo dhowaynta wafdiga madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, kaasi oo duhurnimadii maanta kadhoofay garoonka diyaaradaha ee Bosaso.

Madaxwayne Farmaajo ayaa socdaal ku joogay magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga ee Puntland, isagoo booqday dekedda, garoonka diyaaradaha iyo kulamo kale duwan oo loogu sameyey magaalada Bosaso.

Gaalkacyo ayaa muujisay soo dhowayn sare oo loo sameeyo madaxwayne Farmaajo, iyadoo hal lagu buufiyay calanka jamhuuriyadda Soomaaliya ay qayb ka tahay waxyaabaha soo jiidashada leh ee ka muuqda, haweenka iyo dhalinyarada ayaa doorkooda si’aad ah uga dhexmuuqdaa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com