Gaari ay la socdeen ciidamo oo lagu qarxiyay Muqdisho

Gaari ay la socdeen ciidamo oo lagu qarxiyay Muqdisho

Ugu yaraan sadex askari ayaa ku dhaawacmay qarax subaxnimadii hore ee maanta kadhacay magaalada Muqdisho oo lala beegsaday ciidamo katirsan kuwa dowladda faderaalka ee Soomaaliya.

Goob joogayaal ayaa ku waramaya qaraxa inuu dhacay kadib markii gaari ciidan uu dusha ka maray miino dhulka lagu aasay deegaanka Haantadheer ee koonfurta Muqdisho.

Askarta ayaa la dhigay isbitaal Madiino si xaaladooda caafimaad wax looga qabto.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com