Radhika Coomaraswamy, ku xigeenka xoghayaha QM u qaabilsan difaaca dhallaanka oo kulamo la yeelatay madaxda dawlada federaalka.

Moqdisho, Nov, 23 ? Waxaa maantay magaalada Moqdisho soo gaaray wafti ay hoggaaminayso kuxiggeenka xog-yahaya guud ee QM u qaabilsan difaaca caruurta iyo madax-kale oo ka socotay golaha ammaanka.

Madaxdaan ka socotay Qaramada Midoobay ayaa Moqdisho loogu sameeyay qado sharaf, waxaana intaa kaddib si wada jir ah shir-jaraa?id u qabtay raysal-wasaare Gaas iyo Mss Radhinka Coomaraswamy. Iyagoo labada masuul ay si qoto dheer uga wadahadlay xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan-yihiin caruurrta Soomaaliyeed.

Raysal-wasaare Gaas ayaa gabi-ahaanba meesha ka saaray eedaymo loo soo jeediyay DFKS oo ku aadan inay ka faa?iidaysato caruurta da?da yar, isla markaana ay askarayso.

Ugu dambeyntii kuxiggeenka guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha difaaca dhalaanka Mss Radhinka ayaa si wayn DFKS ugu ammaantay masuuliyadda ay iska saareen caruurta, waxayna sheegtay inay dawladda dhexe kala shaqayn-doonaan daryeelka dhalaanka tabaalaysan.

Maxamed C/llaahi Cali ?Kooshin?
Radio Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com