3 ruux ayaa geeriyootay, 5 kalena waa ay dhaawacmeen iska-horimaad dhex maray Al-shabaab iyo kooxo hubaysan oo ku sugan degmada Jamaame.

Jamaame, Nov, 24 ? Inta la hubo 3 ruux ayaa geeryootay 5 kalena dhaawacyo kale duwan ayaa soo kale gaaray kaddib, dagaal iska hor-imaad ah oo meel u dhaw degmada Jamaame ku dhex maray ciidamo ka amar qaado kooxda Al-shabaab, iyo kooxo hubaysan oo ku sugan degmada Jamaame oo ka tirsan gobolka Jubbada Hooose.

Warar ay Radio Daljir ka halayso deegaankaasi dad goob joogayaal ah oo ku sugnaa ayaa ku waramaya in dagaalku uu ka dhashay, ciidamo ka tirsan kooxda Al-shabaab iyo ciidanka kale ee hubaysan oo si lama filaan ah ugu kulmay wadada ka baxda degmada Jamaame ee aada dhanka magaalada Baraawe, waxaana kulankaasi uu dhaliyay shaki wayn oo ay kala qaadeen 2-daasi ciidan.

Xaaladda degmada Jamaame ayaa haatan lagu tilmaami karaa mid caadiya, waxaana deegaankaasi ku sugan saraakiil ka tirsan kooxda Al-shabaab oo gurmad ahaan uga yimid magaalada Kismaayo kaddib markii dagaalkaasi uu dhacay.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com