Munaasabad lagu daah-furayay dib u howlgalinta Naadiga Madbacada Qaranka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Muqdisho.
Munaasabada waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya En, Yariisow , Wasiir kuxigeenka Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xubno ka socda bahda Ciyaaraha dalka.
Madasha waxaa lagu soo bandhigay Taariikhdii Naadiga Madbacada iyo qorshaha hadda laga leeyahay dib u howlgalinta Naadigaasi.
Gudoomiyaha Naadiga Madbacada Cumar Mugaabe Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta C/raxmaan Alcadaala Iyo Gudoomiyaha xiriirka kubada cagta C/Qani Saciid Carab ayaa kala saxiixday Qorshaha Cusub ee dib loogu howlgalinayo Naadigaasi.
COMMENTS