QM oo toban milyan oo doolar ugu deeqday Oromada iyo Soomaalida Itoobiya

QM oo toban milyan oo doolar ugu deeqday Oromada iyo Soomaalida Itoobiya

QM ayaa ugu deeqday toban Milyan oo doolar oo wax looga qabanayo qaxootiga Soomaalida iyo Oromada ee Itoobiya ee ku barakacay colaaddii labada dhinac ku dhexmaray wixii ka dambeeyey bishii September ee sanadkii hore 2017kii.

Isku duwaha gargaarka degdega ee QM Mr Mark Lowcock oo booqday goboladaasi ay dhibaatadu saamaysay ayaa waxaa uu ku dhawaaqay inay tobanka milyan wax uga qaban doonaan dadka nugul ee colaadda ku barakacay.

Dowladda Itoobiya ayuu Mark Lowcock  ugu baaqay inay ka shaqayso xasilinta dadkan.

Soomaali badan ayaa ka barakacday deegaanadii ay joogeen, kuwaasi oo qaarkood gaaray magaalooyinka waawayn ee Itoobiya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com