Doon ku raran gaadiid iyo qalab dhisme oo ka timid dalka Cummaan, tankeedana ahaa kun iyo sideed boqol (1,800 ton) ayaa ku soo caaridey xeebta Bossaso. Doonta oo u rarneyd ganacsato reer Puntland ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan, isna khilaafsan, ayada oo ganacsatadii doontu u rarneyd ay eedaynayaan maamulka dekedda, meesha maamulkuna uu eedda saarayo ganacsatadii doontu u rarneyd.
Hoos ka dhegayso warbixinta Xasan Heykal, Daljir Bossaso, iyo wararka dhinacyada kala duwan.
COMMENTS