Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya oo Newyork kula kulmay diblumaasiyiin

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya oo Newyork kula kulmay diblumaasiyiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kula kulamay u qaabilsanayaasha Qaramada Midoobay wadamada Chine, Russia & Kuwait oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirada iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliyada iyo wadamadooda.

Kulamadan oo si gaar-gaar ah ula qaatay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad wakiilada Qaramada Midoobay u joogo New York sida Chine H.E. Amb. MA Zhaoxu, Rusia H.E. Amb. Vasily Nebenzya iyo safiirka dowladda Kuweit H.E. Mansour Al-Otaibi ayaa waxa uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeyo Soomaaliya, kulamada wasiirka waxaa sidoo kale ku wehliya u qaabilsanah QM ee Soomaaliya Amb, Abukar Osman (Baale).

Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirto sidii loo soo celin lahaa xiriirkii kala dhexeeyay ka hor but-burkii dowladnimada, waxaana Madaxweyne Farmaajo wax-yaabaha uu ballan qaaday kamid ahaa in uu dhisi doono xiriir ku dhisan ixtiraam & iskaashi.

Xukuumadda Ra’isul wasaare Kheyre oo fulineysa ballan-qaadyadii Madaxweyne Farmaajo ayaa waddo dadaal xoogan oo ku aadan xiriirka eey Soomaaliya la yeelaneyso wadamada kale.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com