Ciidanka Badda Somaaliya oo ka qayb galaya Dhoolatus Caalami ah

Ciidanka Badda Somaaliya oo ka qayb galaya Dhoolatus Caalami ah

Ciidamo ka socda kuwa Badda Soomaaliya ayaa sanadkan ka mid noqday 17 dal oo ka qeybqaatay dhoola tuska Ciidanka Badda ee ay taageerto Dowladda Mareykanka.

Dhoolatuskan oo lagu magacaabo Cutlass Express,waxaa maal gelisa Dowladda Mareykanka waxaana Ciidanka Mareykanka ee Afrika ay u qabtaan Waddamada Afrika gaar ahaan Bariga Afrika.

Tababar iyo dhoolatus isugu jira hirgelinta sharciga badda,howlgallada Badda,tayeynta Ciidamada Badda iyo sida loo sugo amniga badaha ayaa Ciidamadaasi la baraa iyada oo ay tababarka iyo dhoolatuskaba bixiyaan Saraakiil Mareykan ah oo ka socda Ciidanka Mareykanka ee Afrika.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com