Suuqa wayn ee Bakaaraha ee Muqdisho oo xiran

Suuqa wayn ee Bakaaraha ee Muqdisho oo xiran

Suuqa wayn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo ah suuqa ugu wayn koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa xiran maanta oo Axad ah.

Ganacsatada ayaa ka cabanaysa canshuur dhan 5% oo ay kusoo rogtay dowladda faderaalka Soomaaliya badeecada kasoo dagaysa dekedda wayn ee Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya kulamo ay yeesheen raysal wasaaraha dowladda faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo guddiga ganacsatada gobolka Banaadir uu kusoo dhamaaday is-afgarwaa kadib markii ay ku heshiin waayeen canshurta la kordhiyay.

Xirnaashiyaha suuqa wayn ee Bakaaraha ee Muqdisho ayaa si’aad ah looga dareemay Muqdisho, iyadoona dad badan oo u shaqo tagi jiray ay maanta guryahooda ay iska joogaan.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com