Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr: Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Tacsi u diray dhammaan Shacabka Puntland, Qoyska iyo Eheladii Allaah ha’u naxariistee Marxuun Boqor Xildhibaan Cumar Ismaaciil Maxamed ( Sanweyne ) oo ku geeriyooday Boosaaso saaka aroortii, Marxuun Boqor Xildhibaan Cumar Ismaaciil Maxamed ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii lagu Aasaasay Puntland, isla markaana ka mid ahaa hoggaanka dhaqanka Puntland
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si gaar ugu Tacsiyeeyay dhammaan goleyaasha Dawladda iyo wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa Allaah uga Baryay Marxuunka inuu Janno Fardowso ka waraabiyo Aamiin Aamiin, Illaahayna samir iyo iimaan waasic ahna Alle ka siiyo qaraabadii Ehelkii Asxaabtii iyo dhammaan Shacabka Puntland.
COMMENTS