Somaliland oo si kulul uga jawaabtay hadalkii RW khayre

Somaliland oo si kulul uga jawaabtay hadalkii RW khayre

Maamulka Somaliland ayaa ka waabay hadalkii dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ahaa in heshiska Berbera ee DPWorld uu sharci darro yahay.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/Raxmaan Cabdullahi (GURI-BARWAAQO), oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah uusan quseyn heshiiskaas.

Waxaa uu sheegay in Somaliland ay mar hore ka go’day Soomaaliya inteeda kale islamarkaana heshiiskaas markii la saxiixayay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya uu joogay Dubai.

Waxaa kale oo uu Wasiir Gurbarwaaqo sheegay in dowladda Federaalka ah ay dafirtay jiritaanka Somaliland ee heshiiska saddex geesoodka ah.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay gar darro cad ku heyso maamulkaasi isaga oo intaas ku daray in dalalka deriska ah iyo Caalamkaba ay ogyihiin in Somaliland ay ka go’day Somaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com