Alshabaab oo la sheegay inay hub kala dageen Xeebaha Gobalka Mudug

Alshabaab oo la sheegay inay hub kala dageen Xeebaha Gobalka Mudug

Ilo xog ogaal ah ayaa waxa ay xaqiijiyeen in Xarakada Al Shabaab saanad Militari ay kala soo dageen Dakadda macmalka deegaanka Faax oo ka tirsan Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Doomo siday saanad Militari ayaa ku soo xirtay Dakadda deegaanka Faax, waxaana la aaminsan yahay in doomahan saanada Militari ay ka keeneen dalka Yemen oo Somaliya daris la’ah.

Ilo Muqaabaraad ah ayaa xaqiijiyay shalay ilaa doraad gaadiidka kala duwan in dakadda deegaanka Faax ay ka aruurinayeen hubka Shabaab ay halkaasi kala soo dageen, waxayna dadka deegaanka sheegeen inay arkayeen gaadiidka dagaalka iyo kuwa xamuulka oo Shabaab saanada Militari ay ku raranayeen.

Gaadiidka dagaalka Shabaab ee saanada Militari lagu soo qaaday ayaa ka soo ruqaansaday Degmada Xarardheere, waxayna sii mareen Degmada Jowle iyaga oo u sii gudbay dhanka Gobolka Galgaduud.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com