Wafti uu hogaaminayo R/wasaare ku xigeenka dawlada federaalka oo soo gaaray Puntland.

Galkacyo, April 17 – Wafti uu hoggaaminayo kuxigeenka R/wasaaraha Soomaaliya, ahna wasiirka Ganacsiga dawladda federaalka KMG ah C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif, ayaa maanto soo gaaray Puntland.

Waftigaan oo ka kooban lix xubnood, uuna horkacayo R/wasaare kuxigeenku ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Galkacyo, kuwaasi oo u soo tallaabaday magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, halkaasi oo socdaalkoodu ku abbaarnaa.

Xubnahaan ka socda dawladda federaalka oo u badan golaha xukuumadda, ayaa imaatinkooda Puntland uu la xiriira dhawr qorshe oo uu ugu mug-weyn yahay ka qaybgalka shir weynaha lagu damacsan yahay meelmarinta dastuurka Puntland sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareeddo kala duwani.

Waftigaan waxaa magaalada Garowe u sii galbiyey mas’uuliyiinta maamulka gobolka Mudug oo uu ka mid yahay guddoomiyaha gobolka Maxamed Yuusuf Jaamac ‘Tigay’.

Madaxdaan dawladda federaalka, waxaa ku jira xubno si gaar ah dawladda ugu qaabilsan arrimaha dastuurka, uuna ka mid yahay wasiir-dawlaha dastuur, arrimaha federaalka iyo dib u heshiisiinta, waxaana lagu wadaa in ay madasha shirka ka soo xaadiraan berri oo loo ballansan yahay codbixinta dastuurka.

Horay waxaa magaalada Garowe ugu sugnaa tiro xildhibaanno federaalka ah, kuwaasi oo goob joog ah furitaankii shir weynaha dastuurka Puntland.

Diiwaanka Wararka
Daljir Galkacyo.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com