Odayaasha beelaha ee shirka uga furrmay magaalada Muqdisho oo ka doodaya soo xulista ergada dastuurka

Muqdisho, May 07 – Shirka odayaasha dhaqanka ee lagu soo xulayo ergada aftida u qaadaysa dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa maanta sirasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.

Kulanka odayaasha beelaha ay kaga arinsanayaan soo xulista ergooyinka iyo dib u eegista dastuurka oo shalay la filayay inuu bilowdo ayaa u hakaday cillad farsamo oo ku timid qaar ka mid ah ergooyinka lagu waday inay shirka yimaadaan oo dib u dhacay, sida warar la helayo ay tilmaamayaan.

Wasiirka dastuurka ee xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Abuukaate Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo maanta ka hadlay doodaha ay odayaasha dhaqanku ay ka yeelan doonaan soo xulidda ergooyinka dastuurka iyo xubnaha baarlamaanka ee beelaha ugu jiraya dowladda ayaa waxaa uu tilmaamay dukumiintiyada heshiisyadii lagu gaaray Garoowe, Gaalkacyo iyo Muqdisho ay u gudbinayaan odayaasha si ay u ogaadaan waxyaabaha ay ka doodayaan.

Shirka odayaasha 115-ka xubnood ee ka yimid beelaha Soomaalida ayaa siweyn loo sugayaa natiijada kama dambaysta ah ee kasoo bixi doonta.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bossaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com