Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Md. Mahdi Mohamed Gulleid ayaa waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, ehelada, baodhda fanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Fannaanadii caanka ahayd ee Sahra Axmed Jaamac oo ku geeriyootay Magaalada Hargeysa maanta oo taariikhdu tahay 04/04/2018.
Marxuumad Sahra Axmed Jaamac ayaa waxay ka tirsanayd Hobolada Waaberi ee hogaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Waxaanna Sahra lagu naanaysi jiray Quruxdii fanka Soomaaliyeed, waxaanay caan ku ahayd heeso iskugu jira Waddani, Jacayl, Guubaabin, Dhiirigelin, Haasaawe, Amaan, Duco, Wacyi & Wargelin-ba.
Ra’iisalwasaare ku xigeenka Dalka Md Mahdi waxa uu ku sifeeyey Marxuumad Sahra Axmed mid kamid ah xidigihii ifiyey ee horumariyey fanka Soomaaliyeed.
Waxaana uu Ra’iisalwasaare ku-xigeenku uu Marxuumadda Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo.
”Waxaan Tacsi u dirayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo ehelkii ay ka baxday Allaha a u naxariistee Marxuumad Sahra Axmed Jaamac oo ku geeriyootey Magaalada Hargeysa. Sahra waxay kamid ahayd hormuudkii fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Waxaanan ku tilmaami karaa inay safka hore kaga jirtay xidigihii ifiyey fanka Soomaaliyeed. Rabi Naxariistii janno ha siiyo.” Ayuu yiri R/W ku-xigeenka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Marxuumad Sahra Axmed ayaa mudooyinkii udambeeyay ku xanuusanaysay Cusbitaalka Gargaaar ee magaalada Hargeysa, halkaaso oo saaka Xaqii ugu yimmi.
COMMENTS