Dowladda Australia oo Liiska kasaartay Somaalida dib u dajinta loo samaynayo

Dowladda Australia oo Liiska kasaartay Somaalida dib u dajinta loo samaynayo

Dowladda Australia ayaa Dalalka Soomaaliya,Suudaanta Koofureed iyo Iraan ka saartay liiska waddamada ka faa’ideysan kara mashruuca Bani’adamnimo ee dadka Soo galootiga ah ay dib u dejinta uga helayaan Dalkaasi.

Arrintan waxaa aad u cambaareeyay Hay’adaha u dooda xuquuqda Aadanaha iyo hoggaamiyayaasha mucaaridka Dalka Australia kuwaas oo sheegay in tallaabada ay qaadday dowladda hadda jirta ay tahay mid takoor ku ah waddamada qaar.

Waxaa ay sheegayaan in arrintaas ama go’aanka ay gaareen Xukuumadda ay xadgudub weyn ku tahay dastuurka Dalka Australia.

Mashruucan waxaa markii hore qorshuhu ahaa in ay ka faa’deystaan dadka dalalkooda ay ka jiraan colaadaha iyo maamullada gacanta adag,waxaana waddamada la oggolyahay ka mid ah; Democratic Republic of Congo, Afghanistan, Eritrea, Ethiopia, Myanmar, Bhutan, Syria iyo Iraq.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com