Nairobi, July, 05 – Madaxwaynaha dawlada federaalka ee Somaliya Shariif Sh. Axmed iyo waftigii uu hoggaaminayay ayaa? maantay isaga baxay shirkii saxiixayaasha Road-mapka ee ka socday Nairobi.
Wararka idaacadda Daljir ay ka helayso illo-ku dhaw-dhaw shirka ayaa tilmaamaya in kabixitaanka shirka ee madaxwayne Shariif uu ku wehliyay mid ka mid ah wakiillada ururka Ahlu-sunna oo uu Shariif dhawaan u magacaabay la-taliyaha madaxwaynaha ee dhanka arrimaha ammaanka.
Ergayga gaarka ah ee golaha ammaanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr Augustin Mahiga iyo diblumaasiyiin kale ayaa isku dayay inay madaxwayne Shariif kusoo celiyaan shirka, balse arrintaasi ayaa suurto-gali-wayday. Waxaana wararkii ugu dambeeyay ay ku waramayaan in Madaxwayne Shariif uu dib ugu soo laabtay Moqdisho.
Inkastoo aan la hubin sababta dhabta ah ee M/weyne Shariif shirka uga baxay, hase yeeshee waxaa la tilmaamayaa in uu ka biya-diiday hindise ay soo jeediyeen saxiixayaashu oo dalbaya in doorashada Madaweynaha la soo hor mariyo.
Ka-bixitaanka Shirka ee madaxwayne Shariif ayaa u eg mid ka dhalatay caro uu ka dhexqaaday habka uu shirku u socdo, waxaana tani ay dhalin kartaa khilaaf hor leh oo ka dhex dhasha saxiixayaasha khariidada nabadda.
Maxamed C/llaahi Cali ‘Kooshin’
Radio Daljir.
FAALLOOYIN & FALCELIN