Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya oo ku sugan Dalka Maraykanka ayaa kulamo la qaadanaya Madaxda Hay’adda lacagta Aduunka iyo Banka Aduunka.
Mudane C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa hay’adahaasi u soo bandhigaya hanaanka Maaliyadeed ee Soomaaliya iyo isbadalada lixaadka leh ee ay samaysay, Waxaana uu kala hadlayaa sidii Soomaaliya loogu saacidi lahaa Mashaariic dib u kabasho ah inta uu socdo.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya oo ku sugan Dalka Maraykanka ayaa kulamo la qaadanaya Madaxda Hay’adda lacagta Aduunka iyo Banka Aduunka.
Mudane C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa hay’adahaasi u soo bandhigaya hanaanka Maaliyadeed ee Soomaaliya iyo isbadalada lixaadka leh ee ay samaysay, Waxaana uu kala hadlayaa sidii Soomaaliya loogu saacidi lahaa Mashaariic dib u kabasho ah inta uu socdo hanaanka lacagaha daymaha ah looga cafinayo.
Arrinta kale Dr Bayle kala hadlayo Madaxda Bankiga aduunka iyo IMF ayaa ah in la dadajiyo Qorshaha samaynta lacag cusub oo Soomaaliya yeelato, taas oo Wasaaradda Maaliyaddu doonayso in la hirgaliyo Sanadkan 2018-da.
Dr Bayle ayaa khubad ka jeediyey Jaamacadda Caalamiga ah ee Harvod, taas oo uu kagahadlay fursadaha Maalgashi ee Soomaaliya ka banaan.
“Soomaaliya hadda waxaa ka banaan fursado badan oo maalgashi kaas oo dhankasta ah runtii waxaa aan rabno ayaa ah in Maalgshi dhankasta ah lagu sameeyo Soomaaliya si-aanu u gaarno meel sare” sidaas waxaa yari Wasiirka Wasaaradda Maaliyada ee Soomaaliya Dr Beyle
Xukuumadda Soomaaliya ayaa sameysay hannaan dhaqaale oo hufan,taasi oo suurta gelisay in lacagaha deynta ee lagu leeyahay Soomaaliya laga fududeeyo in laga cafiyo.
COMMENTS