Shirki dib u eegista Dastuurka Dalka oo Muqdisho ka furmay

Shirki dib u eegista Dastuurka Dalka oo Muqdisho ka furmay

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirka dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya,waxaana ka qeybgelaya mas’uuliyiin kala duwan.

Xubnaha ka qeybgelaya waxaa ka mid ah Guddoomiyayaasha Baarlamaannada Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah,Ururrada Bulshada Rayidka ah,Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada aqal,Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Sharci yaqaanno dhinaca Dastuurka ah.

Shirkan ayaa looga hadlayaa sidii Qofkasta oo Soomaali ah uu u gaari lahaa dastuurkan islamarkaana uu aragtidiisana uga dhiiban lahaa.

Shirkan ayaa soconaya labo maalmood oo kala ah maanta iyo berri waxaana looga doodayaa sidii Dastuurka loo gaarsiin lahaa Dadk Soomaaliyeed oo dhan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com