Munaasbaad xalay lagu qabtay masaajidka Al-Rowda ee Bosaso ayaa dhaqaalle loogu uruuriyay wadada dhex qaadda bartamaha magaalada Bosaso ee laamiga oo uu burbur ka jiray muddo dhowr sano ah.
Kulanka ayaa waxaa lagu uruuriyay inka badan boqol kun oo doolarka Mareykanka ah, waxaana ka qaybqaatay lacagaha lagu deeqay madaxwaynaha Puntland, maamulka degmada Bosaso, shirkadaha ganacsiga iyo dadwaynaha oo lacagaha ku shubayay iyagoo adeegsanaya akoono taleefanada lagu shubayay.
Wadadan ayaa horay waxaa warbixin iyo farriimo wacyi gelin ah ka sameeyey radio Daljir, iyadoo maamulkii hore ee degmada Bosaaso uu amray in la joojiyo farriimahaasi ayna dhisayaan.
Maamulka gobolka Bari ayaa guddi u saaray dhismaha wadada oo ah culimaa’udiinka Puntland kuwooda ugu waawayn, waxaana ay hadda wadaan dhaqaalle wadadan loo uruurinayo, iyadoona dhanka kalle gaadiidka ka baxaya kantoroolka Bosaso laga qaado midkiiba toban doolar oo loo qoondeeyey dhismaha wadadan muhiimka u ah magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Hoos ka akhriso qaar ka mid ah shaqsiyaadka iyo shirkadaha
1)madaxwaynaha puntland $40.000
2) guddomiyaha degmada bosaso $10.100
3)shirkada tawfiiq $10.000
4) shirkada barwaaqo $10.000
5) shirkada horseed $7.000
6)shirkada macruuf $5.000
7)maxjarka wadaniga $5.000
8) shirkada opec $3.000
9)nationalpetroum $2.000
10)dahabi spare parts $2.000
COMMENTS
Halyeey Abdi wali ali Gaas guul baanu rajaynay Noolow madaxweyne Aamina