Midowga Yurub oo kusii jiraya Heshiiska Nukliyeerka Iiraan ee Mareykanku kabaxay

Midowga Yurub oo kusii jiraya Heshiiska Nukliyeerka Iiraan ee Mareykanku kabaxay

Quwadaha Yurub ayaa sheegay inay ka go’antahay inay kusii jiraan heshiiska Nuclearka ee Iiraan, inkasta oo madaxwaynaha Mareykanka Trump uu ku dhawaaqay inuu Mareykanka uu ka baxay heshiiskaasi oo uu ku tilmaamay mid u danaynayay hal dhinac oo Iiraan ah.

Dowladaha UK, France iyo Germany ayaa sheegay inay ka baxayn heshiiska, oo ay la shaqaynayaan saxiixayaasha heshiiska Nuclearka ee Iiraan iyo dowladaha awoodda leh oo la galay sanadkii 2015kii.

Ruushka iyo Shiinaha ayaa ku nuux nuuxsaday inay sii wadi doonaan taageeridda heshiiska.

Madaxwaynaha Iiraan oo ka jawaabay go’aanka Mareykanka ayaa sheegay haddii heshiiska laga wada baxo ay dowladda Iiraan ay bilaabi doonto bacriminta hubka Nuclearka.

 

Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta ayaa iyana soo dhoweeyey go’aanka Mareykanka uu kaga baxay heshiiska Nuclearka ee lala galay dowladda Iiraan.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Nuurkanederland 6 years ago

    DONALD TRUMP WAA FAARUQ MARAN.
    KALIYA WUXUU IXTIRAAMAA NINKII UU KA BAQO SIDA KIM JOHN UN OOKALE.
    WAA CUNSURI XUN OO URAYA OO NECEB MUSLIMKA & SOMALIDABA.
    WAANA DOQON ILLAAHAY LACAG SIIYAY
    DOQONIMADUNA DAAWO MA LEH.
    LKN SOMALIYA WAA KA BUUXAAN KUWO DOQOMO AH OO DONALD TRUMP OOKALE AH WAXSE UMA DIRSANO.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com