Gudi loo xilsaaray baarista dilkii AUN Dr Axmed X Cabdiraxmaan oo soo bandhigay dad lagu eedeeyey dilkiisa.(Dhegayso)

Boosaaso, Oct 28-2012, AUN Dr Sh Axmed X Cabdiraxmaan oo ahaa aasaasihii Jaamacadda Barigga Africa oo lagu diley magaalada Boosaaso dabayaaqadii sanadkii hore ayaa lasoo bandhigay rag lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen dilkaaasi.

Dr Axmed X Cabdiraxmaan oo 5-Dec -2011 ay xili salaad subax ah dileen laba dhalinyaro oo ku hubaysanaa Bistolado ayaa la sheegay in raga dilkaasi geystay ay ka tirsan yihiin Kooxda Al-shabaab.

Gudiga madaxa banaan ee baaritaanka dilkaasi ayaa sheegay inay hayaan rag ku luglahaa dilka Shiikha ayna ragaasi ka tirsan yihiiin kooxda Al-shabaab.

Dr Axmed X Cabdiraxmaan wuxuu ahaa gudoomiyaha Jaamacada Barigga Africa, sidoo kalena wuxuu ahaa aasaasihii Jaamacadaasi, Shiiku wuxuu ahaa nin cilmiga diiniga iyo maadigaba aad ugu wanaagsan isagoo ka qalin jebiyey Jaamacada Umada ee dalka Sucuudiga.

?

Diiwaanka Wararka?

Radio Daljir

(B)

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com