?
Cadaado, Nov, 10 -2012-Hogaamiyaha mamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiicey oo waraysi siiyey barnaamijka ka hortaga Burcad-badeeda ee Daljir ayaa sheegay in maamkulkiisu dagaal adag oo dhanka Bariga ah la galay Burcad-badeedda.
?
?Hoggaaminaya maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiicay ?ayaa sheegay in maamulkiisu uu ku dadaalay sidii deegaannada Hobyo iyo Xarar-dheere ay uga nadiifin lahayeen kooxaha burcadbadeeda Soomaalida.
?
Mr Tiicay, ayaa war been ah ku tilmaamay maamulkiisu inuu la shaqeeyo kooxaha burcad-badeeda, waxaana uu hadalkiisa raaciyay shaki inaysan ku jirin maamulkiisu inuu biriga kala dagaalamay kooxaha burcad-badeeda Soomaalida.
?
Hadalka Hogaamiyaha maamulka Ximan & Xeeb ayaa kusoo beegmay xili dhowaan lagu eedeeyey maamulkaasi inuu gabaad siiyo kooxaha Burcad-badeedda Soomaalida.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(B)
COMMENTS