Waxaa maalintii labaad kasocda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay shirka amniga qaranka ee Soomaaliya oo ay ka qaybgalayaan madaxwaynayaasha dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Faderaalka iyo Dowladda Dhexe.
Shirkaan oo shalay furmay ayaa la filayaa in maanta lasoo gabagabeeeyo, waxaana laga soo saari doonaa warmurtiyeed.
Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa inta badan waxaa ka dhex jira madmadow siyaasadeed, waxaana madaxwaynaha Jubaland Axmed Madoobe uu ka sheegay shirkii shalay dowladda inay u arag dowlad goboleedyada xisbiyo siyaasadeed oo tartan kula jira.
COMMENTS