Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigay maydadka rag katirsan Al-shabaab

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigay maydadka rag katirsan Al-shabaab

Maamulka degmada Waajid ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa bandhigay maydadka lix dagaalame oo katirsan Al-shabaab, kadib markii xalay weerar lagu soo qaaday degmadaasi.

Howlgal ay sameeyeen ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kadhacay deegaanka Ceel Hure ee Waajid ayaa lagu dilay lixdaasi qof, sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Waajid.

Waxaa uu sheegay howlgalkan inuu yahay kadib weerar xalay lagu soo qaaday degmada waajid ee gobolka Bakool.

Maalmihii lasoo dhaafay dagaallo ayaa ka socday goboka Bakool oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com