Masuuliyiinta magaalada dekedda leh ee Valencia ee Spain ayaa soo dhowaynaya imaashiyaha markabkii ugu horeeyey ee ay saaranyihiin inka badan lix boqol oo muhaajiriin ah oo todobaadkii hore uu soo badbaadiyay marka Aquiris.
Dowladaha Malta iyo Talyaaniga ayaa diiday inuu dalkooda kusoo xirto markabkan oo ay soo dhoweeyaan qaxootiga, waxaana muddo todobaad ah uu ku sugnaa xeebaha Yurub, isagoo waysanaa goob uu ku xirto.
Tilaabada ay dowladda Spain ay qaadatay ee ay ku qaabilayso qaxootiga ayaa farxad ku abuuray muhaajiriinta Afrikaanka ah ee markabka lasocda, iyagoona kasoo tagay wadanka Libya todobaad kahor.
Boorar ay ku qoranyihiin afaf kalle duwan oo kalimadda Soo dhowaada ah ayaa la suray dekedda Valencia, waxaana sidoo kale la diyaariyay kooxo caafimaad iyo tarjumaano, dowladda Spain ayaana baalanqaaday caafimaad bilaash ah iyo baaritaan ay ku samayn doonto dhammaan muhaajiriinta.
COMMENTS