Raysal Wasaaraha Itoobiya oo sheegay in lagu heshiiyay Soomaaliya iyo Itoobiya inay hal dal noqdaan

Raysal Wasaaraha Itoobiya oo sheegay in lagu heshiiyay Soomaaliya iyo Itoobiya inay hal dal noqdaan

Raysal Wasaaraha Dowladda Faderaalka ee Itoobiya Abey Ahmed oo waraysi siiyay Telfishinka dowladda Itoobiya ayaa ku sheegay waraysigiisa in lagu heshiiyay Soomaaliya iyo Itoobiya inay noqdaan hal dal.

“Hal dal oo mid ah ayaan noqonaynaa annaguna dekad la’anta ayaan ka baxeynaa iyaguna dakadahooda hal markab uu ka muuqdo ayay dhaqaale ka helayaan. Weligeen inaan Siyaad Barre iyo Mengistu wixii dhex maray ka sheekeyno ma aha”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ku hadlayay afka Amxaariga.

Hadalka Raysal Wasaare Abey Axmed ayaa kusoo beegmaya maalin kadib booqasho saacado qaatay oo uu ku tagay magaalada Muqdisho.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com