Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo u dhaxeeyey Al-Shabaab iyo dadka deegaanka oo saakay waaberigii ka qarxay tuulooyin hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Caad.
Dagaalka oo aad u cuslaa ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegen in ay ka dambeysay kadib markii Al-Shabaab ay dadka deegaanka weeydiiyeen lacago iyo dhalinyaro ka barbar dagaalanta balse dadka deegaanka ay diideen.
Warbixintan Waxaa Magaaladda Cadaado kaso diray wariyaha Daljir ee Cadaado Sharmaarke Maxamed Maxamuud
FAALLOOYIN & FALCELIN
Biloowgii dhammaadka al-shabaab!